Ciidamo taabacsan Lafta-Gareen oo isku dhiibay Maamulka Jubaland

0

DOOLOW – Ciidamo aad u badan oo taabacsanayaa madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed C/casiis Lafta Gareen oo ku sugnaa deegaanka Awdiinle oo ay ku sugnaayeen tan iyo markii laga saaray magaalada Baydhaba bishii hore, ayaa gaarey gobolka Gedo.

Muuqaallo si weyn loogu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayo boqolaalaskari oo wata gaadiidka dagaalka gudahana usii galaya qaybo kamid ah gobolka Gedo, gaar ahaan deegaanka Bohol garas oo ku dhaw degmada Doolow halkaas oo ay ka taliso Jubaland.

Arrintan ayaa dhalisay hadal-heyn xooggan, iyada oo muujineyso in weli ay taagan tahay colaadda Koonfur Galbeed ee ka dhalatay cayrintii Lafta-gareen.

Safiirka Soomaaliya ee Tanzania, Ilyaas Cali Xasan oo qayb ka ahaa siyaasiyiintii horseedka u ahaa isbeddelka ka dhacay Koonfur Galbeed, ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in hubkii dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed la geeyay degmada Doolow, ayna tahay wax laga xumaado, maadaama hubkaas lagu iibiyay canshuurtii shacabka.

Baxsashada ciidamadan ayaa timid, kadib markii maalmo kahor ay ku dhawaaqeen in dowladda Soomaaliya aysan doorasho ku qaban karin Baydhaba, isla markaana ay ka hortagi doonaan in loo soo xulo madaxweyne cusub, waa sida ay ku doodeen saraakiisha hoggaamineysay ciidanka maanta gaaray Doolow.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here