Ciidanka Booliiska Xamar Jajab oo xiray wariyayaal ka tirsan Shabelle

0

Muqdisho – Ciidanka Booliiska ee saldhigga degmada Xamar Jajab ayaa si xoog ah u xireen laba wariye oo ka tirsan warbaahinta Shabelle, xilli ay ku guda jireen howlo saxafiyadeed oo la xiriira barakicinta shacabka ka socota magaalada Muqdisho.

 

Wariyeyaasha la xiray ayaa kala ah Shugri Caabi Cabdi iyo Cabdullaahi Cabdifitaax Siidoow, kuwaas oo sameynayeen warbixin ku saabsan xaaladda dadka la barakicinayo. ciidanka ayaa si aan habbooneyn ula dhaqmay wariyeyaasha, isla markaana ka qaatay qalabkoodii shaqo ka hor inta aysan xirin.

Warbaahinta Shabelle ayaa si kulul uga hadashay dhacdadan, iyadoo sheegtay inay ka xuntahay xarigga iyo caqabadaha lagu hor istaagay suxufiyiinteeda. Waxay ku tilmaamtay tallaabadan mid sharci darro ah oo ka hor imaaneysa xorriyadda saxaafadda.

Dhacdadan ayaa kusoo beegmeysa xilli ay sii kordhayaan cabashooyinka la xiriira barakicinta shacabka ee ka socota qaar ka mid ah degmooyinka Muqdisho.

“Saxaafaddu danbi ma ahan, xarigguna sharci ma ahan”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here