Afgooye, Shabeellaha Hoose — Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan cutubka gaadiidka gaashaaman, ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoostaga degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Howlgalka oo si xeeladaysan loo abaabulay ayaa oo ahaa mid qorsheysan, ayaa ciidamada ay ku guuleysteen inay gacanta ku dhigaan xubno ka tirsan Al-Shabaab oo watay hub iyo agab loo adeegsan jiray falal amni darro iyo dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed.
Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa sheegay in mid kamid ah xubnaha la qabtay uu isku dayay inuu iska caabiyo ciidamada, balse ciidamada Kumaandooska Danab ay si degdeg ah uga hortageen, islamarkaana ay ku qabteen isagoo nool.
Intii uu howlgalka socday ayaa ciidamada waxay sidoo kale gacanta ku dhigeen hub iyo agabyo halis ah oo ay ka mid yihiin:
Qori nooca AK-47 ah iyo rasaastiisa
Bastoolad uu watay eedeysanaha
Agabyo kala duwan oo loo adeegsado sameynta walxaha qarxa
Howlgalladan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Ciidanka Kumaandooska Danab iyo guud ahaan Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ku xoojinayaan amniga, isla markaana lagu ciribtirayo kooxaha Al-Shabaab ee dhibaateeya shacabka Soomaaliyeed, sida lagu sheegay war kasoo baxay Taliska Ciidanka Kumaandooska Dnab.



