Baay, Soomaaliya – Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyey aagga u dhexeeya deegaannada Leego iyo Jameeco ee gobolka Baay, kaas oo si gaar ah loogu bartilmaameedsaday difaacyo iyo fariisimo ay halkaasi ku lahaayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Bayaan kasoo baxay ciidanka ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu burburiyey difaacyadii ay kooxda Al-Shabaab ka sameysteen aaggaas, kuwaas oo ay u adeegsan jireen gabbaad iyo difaac ay kaga hortagaan dhaq-dhaqaaqyada ciidamada dowladda.
Sidoo kale, ciidanka Kumaandooska Danab ayaa la wareegay goobihii howlgalka laga fuliyey, iyagoo xoojiyey joogitaankooda aagga u dhexeeya deegaannada Leego iyo Jameeco ee gobolka Baay.
Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ku wiiqayaan awoodda Al-Shabaab, kuna burburinayaan fariisimaha ay ka abaabulaan weerarrada iyo falalka amni-darrada ah.
Ciidanka Kumaandooska Danab ayaa la sheegay inay sii wadaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, iyagoo diiradda saaraya xaqiijinta amniga deegaannada iyo ka hortagga isku-day kasta oo ay kooxdaasi ku dooneyso inay dib ugu soo abaabusho fariisimo ay ku weerarto ciidamada iyo shacabka.




