Baydhabo — Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada 8-aad ee qeybta 60-aad, ayaa howlgal amni ka sameeyey deegaanno ku yaalla inta u dhaxeysa magaalooyinka Baydhabo iyo Buurhakaba ee gobolka Baay, sida ay sheegeen saraakiisha ciidanka.
Howlgalka ayaa lagu beegsaday goobo iyo gabaadyo ay kooxda Al-Shabaab ku lahayd deegaanno dhowr ah oo ku teedsan waddada isku xirta Baydhabo iyo Buurhakaba, kuwaas oo lagu sheegay in kooxdaasi ay horey ugu dhibaateyn jirtay dadka rayidka ah.
Howlgalkan oo uu hoggaaminayey taliyaha guutada 8-aad ee qeybta 60-aad, Gaashaanle Cali Maxamed Aadan, ayaa sidoo kale ciidanku ku guuleysteen inay wadada ka saaraan miinooyin halis ahaa oo Al-Shabaab ku aasay waddooyin muhiim u ah isu-socodka dadka iyo gaadiidka.
Qoraal ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalka uu diiradda saaray sifeynta maleeshiyaadka Al-Shabaab iyo ka hortagga dhagaro ay u diyaarinayeen shacabka.
“Ciidanku waxay fashiliyeen qorshayaal halis gelin lahaa nolosha dadka iyo badqabka isu-socodka gaadiidka, iyagoo burburiyey miinooyin waddooyinka lagu aasay,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Taliyaha guutada 8-aad ayaa sheegay in howlgalka uu kusoo dhammaaday si guul ah, islamarkaana ciidanka ay sii wadi doonaan dadaallada lagu xaqiijinayo amniga guud ee gobolka Baay, si loo sugo badbaadada shacabka iyo xasilloonida deegaannada la xoreeyey.



