Ciidanka Xoogga Dalka oo Howlgallo Ka Dhan ah Al-Shabaab Ka Fuliyay Shabeellaha Dhexe

0

Shabeellaha Dhexe – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo qorsheysan oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ka fuliyay deegaannada Jabad Carbeyd iyo Dabagaab ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

 

Howlgalka waxaa fuliyay Ururka 195-aad ee Guutada 19-aad ee Kumaandooska Gorgor, iyadoo ujeeddadiisu ahayd xoojinta amniga deegaannadaasi iyo ka hortagga dhaqdhaqaaqyada kooxda Al-Shabaab ee ku dhuumaaleysanaysa qaybo kamid ah gobolka.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ayaa sheegay in ciidamada ay baaritaanno iyo dhaq-dhaqaaqyo amni ka sameeyeen goobaha la tuhunsan yahay inay ku sugan yihiin xubno ka tirsan Al-Shabaab, si loo adkeeyo amniga loogana hortago falal amni-darro oo ay kooxdaasi qorsheyn karto.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa maalmihii la soo dhaafay kordhiyay howlgallada ka socda gobolka Shabeellaha Dhexe, kuwaas oo lagu baacsanayo firxadka Al-Shabaab, isla markaana lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida deegaannada laga saaray kooxda.

Howlgalladan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku doonayso ciribtirka Al-Shabaab iyo sugidda amniga guud ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here