Ciidanka Xoogga Dalka oo Sheegay inay Hub iyo Gaadiid Dagaal ku Qabsadeen Dagaalkii Baydhabo

0

Baydhabo, Soomaaliya – Taliska Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay inay la wareegeen hub iyo gaadiid dagaal intii uu socday dagaal saaka ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

 

War ka soo baxay taliska ayaa lagu sheegay in ciidamada dowladda ay dib u xakameeyeen goobihii lagu dagaallamay, islamarkaana ay ka saareen ciidamo ay ku tilmaameen kuwa daacad u ah Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), kuwaas oo sida ay sheegeen hore ula wareegay qaybo ka mid ah magaalada.

Taliska Qeybta 60-aad ayaa sidoo kale sheegay in xaaladda amni ee Baydhabo ay hadda deggen tahay, iyadoo ciidamada dowladda ay gacanta ku hayaan goobihii uu iska horimaadku ka dhacay.

Ilo deegaanka ah ayaa xaqiijiyey in saaka magaalada laga maqlayey rasaas culus iyo hubka noocyadiisa kala duwan, inkastoo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin khasaaraha ka dhashay dagaalka.

Dhanka kale, weli wax war ah kama soo bixin maamulka Koonfur Galbeed iyo taliska ciidamada taabacsan Madaxweyne Laftagareen oo ku saabsan sheegashada guulaha ee ay soo bandhigeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Xiisadda Baydhabo ayaa kusoo beegmaysa xilli ay sii kordhayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee ka taagan deegaannada maamulka Koonfur Galbeed, iyadoo shacabka magaalada ay walaac ka muujiyeen saameynta ay iska horimaadyadu ku yeelan karaan amniga iyo nolol maalmeedkooda.

Wararka ku saabsan xaaladda magaalada iyo jawaabta dhinacyada kale ayaa la filayaa inay soo baxaan saacadaha soo socda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here