Cirro oo La Kulmay Wasiirka Difaaca Israa’iil, Iskaashi Amni oo Cusubna ka Wada Hadlay

0

Tel Aviv – Wasiirka Gaashaandhigga Israaiil, Israel Katz, ayaa sheegay in muddo sannado ah ay ka sameynayeen hawlgallo taxane ah oo sir ahaa gudaha maamulka Somaliland, wuxuuna ka gaabsaday inuu sheego shaqooyinka iyo hawlgallada la qabtay iyo halka lagu wajahay midna.

 

Katz oo hadalkan sheegay isagoo garab taagan Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro, ayaa tilmaamay inay labada dhinac Israel iyo Somaliland hadda ka shaqaynayaan sidii ay u ballaarin lahaayeen iskaashiga dhanka amniga, una xoojin lahaayeen wada-shaqeyntooda, isagoo aan faahfaahin bixin waxa ay rasmiga ah ee ay isla qabanayaan ama qorshayaasha gaarka ah ee hadda miiska saaran.

Danta ugu weyn ee Israel ay ka leedahay Somaliland waxay salka ku haysaa juqraafiga siyaasadeed (Geopolitics) iyo sugidda amniga marinnada caalamiga ah ee badda. Israel waxay si weyn u danaynaysaa booska istiraatiijiyadeed ee Somaliland ku leedahay Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas, gaar ahaan xilli ay sii kordhayaan khataraha dhanka amniga badda ee ka dhashay weerarada kooxaha hubeysan ee gobolka.

In Tel Aviv ay saaxiib dhow ku yeelato xeebaha gobolka waxay siinaysaa awood ay ku kormeerto kuna sugto badbaadada maraakiibta ganacsi ee u goosha dhankeeda iyo guud ahaan marin-badeedka caalamiga ah ee Bab al-Mandab.

Dhanka kale, iskaashigan cusub ee la qorsheynayo wuxuu taabanayaa dhinacyo dhowr ah oo ay ka mid yihiin xoojinta nidaamka difaaca xeebaha, wadaagista xogta sirdoonka gobolka, iyo adeegsiga tignoolajiyada casriga ah ee dhanka amniga iyo ilaalinta xuduudaha.

Inkastoo madaxda labada dhinac ay ka gaabsadeen in ay bixiyaan faahfaahinta saxda ah ee mashaariicda amniga ee hadda wada-hadalka laga leeyahay, haddana booqashada Cirro iyo hadal-haynta billadda “Friends of Zion Award” ee lagu maamuusay waxay muujinayaan weji cusub oo dibloomaasiyadeed iyo mid amni oo ku soo kordhay loolanka loogu jiro gacan-ku-haynta iyo saamaynta istiraatiijiyadeed ee Geeska Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here