Cismaan Salaad oo ku magac dheeraa “Atooraha Badda Liido” oo la dilay

0

MUQDISHO (SMN) – Allaha unaxariistee waxaa xalay lagu dilay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Xaafadda Taleex ee Degmada Hodan Cismaan Salaad Daahir oo ku magac dheeraa “Atooraha Badda Liido” waxaana dilka fuliyay sida dad goob joogayaal ah ay sheegeen dabley hubaysan.

Cismaan Salaad Daahir ayaa ka mid ahaa Ciidanka Booliska Soomaaliya, waxaana sidoo kale uu ka mid ahaa dhalinyarada sida weyn looga garanayo caasimadda.

Sidoo kale waxaa lagu xasuustaa Caawinta iyo u gar-gaaaridda dadka danyarta ah, oo baraha bulshada ayuu kasoo muuqan jiray isagoo ku guda jira howlo samafal ah.

Dad aad u bdaan ayaa ka falceliyay geerida marxuumka , isagoo ahaa nin aad looga yaqaano baraha bulshada ee Internetka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here