MUQDISHO (SMN) – Sheekh Cali Wajiis oo kamid ah culimada caanka ah ee Soomaaliyeed ayaa ka hadlay soo qabashada eedeysane Sayd Cali Macallin Daa’uud oo loo haysto inuu xaaskiisa ku gubay magaalada Muqdisho.
Ugu horreyn Sheekha ayaa boggaadiyay tallaabada ay qaadeen laamaha amniga dowladda oo maalmo kadib ninkan kasoo qabtay gobollada dhexe dalka.
Sidoo kale wuxuu ku baaqay in eedeysanaha si deg-deg ah loo saaro maxkamad, kadibna la geeyo tiirka si loo toogto
Allaha u naxariistee Luul Cabdicasiis Maxamed ayaa ahayd hooyo korineysay 6 carruur ah oo agoon ah, waxayna sidoo kale lahayd uur, xilliga uu dilayay saygeeda.