Kooxo hubeysan oo Hooyo Soomaaliyeed si arxan darro ah ugu dilay Caabudwaaq

0

CAABUDWAAQ (SMN) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dhacdo argagax leh oo xalay ka dhacday gudaha degmada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolka Galgaduud.

 

Dabley hubeysan ayaa lagu soo warramayaa inay magaaladaas si arxan darro ah ugu dileen Hooyo Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Foos Aadan Nuur.

Marxuumadda ayaa xilliga la dilayay kusii jeeday gurigiisa, waxaana lasoo wariyay in rag hubeysan ay waddada u galeen, kuwaas oo rasaas ku furay.

Wararka ayaa sheegaya in dhaawac ahaan goobta looga qaaday, balse ay mar dambe ku geeriyootay isbitaalka, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in kahor dilka ay hooyada baarteen kooxda dishay, balse markii ay wax ka waayeen ay dileen, kadibna ay baxsadeen.

Laamaha ammaanka ayaa dhankooda sameeyay howlgal, balse kuma guuleysan inay soo qabtaan damniilayaasha.

Halkan hoose ka daawo warbixinta:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here