MUQDISHO (SMN) – Sheekh Aadan Abshir oo kamid ah culimada Soomaaliyeed ayaa ka hadlay xaaladaha soo kordhay ee ku aadan arrimaha qoyska, kadib markii ay dhaceen dhacdooyin argagax leh.
Sheekh ayaa sheegay in dhibaatada soo korortay ay tahay mid saameyn ku yeelaneysa bulshada Soomaaliyeed, loona baahan yahay in si wadajir ah looga hortago.
Sidoo kale waxa uu farriin u diray culimada Soomaaliyeed iyo dowladda federaalka oo uu ugu baaqay inay iska kaashadaan sidii wax looga qaban lahaa dhacdooyinka kusoo badanaya qoysaska.
Hadalkan ayaa kusoo aadaya, ayada oo todobaadyadii lasoo dhaafay ay dhacdooyin kala duwan oo la yaab ku noqday shacabka ay ka dhaceen magaalada Muqdisho, waxaana kamid ahaa nin gubay xaaskiisa oo xaamilo ahayd, haweeney seygeeda ceeji ku dishay iyo laba wiil oo mindi ku dilay adeerkood qabay hooyadood, dhammaan falalkaas ayaa waxaa haatan baaris ku haya booliska Soomaaliyeed.