Booliska oo raadinaya hooyo iyo wiilasheeda oo dilay Aabihii qoyska

0

MUQDISHO (SMN) – Taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka hadlay dhacdo argagax leh oo shalay ka dhacday degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

 

Booliska ayaa sheegaya in la baadi goobayo hooyo iyo laba wiil oo ay dhashay, kuwaas oo si arxan darro ah u dilay Aabihii qoyska oo lagu magacaabi jira Ibraahim Xasan Cabdi.

Eedeysanayaasha la baadi goobayo ayaa kala ah:- Ruqiyo Axmed Cabdulle, Kamaal Aweys Maxamed iyo Cabaas Salaad Shaandi, iyadoo ciddii soo sheegta abaalmarin loo ballan qaaday.

Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidatan:-

Eedeysaneyaasha kala ah 1. Ruqiyo Axmed Cabdulle 2. Kamaal Aweys Maxamed 3. Cabaas Salaad Shaandi  oo ku eedeysan in ay 09 feb 2024 mindi ku dileen  Marxuum Ibraahim Xasan Cabdi  oo ahaa ninkii qabay ruqiyo ilmahana adeer u ahaa uu soo koriyay ayna dhashay naagtiisa oo ah mida hada wax ka dishay marxuumka, isla markaana baxsadeen.

Baadi goobka eedeysanayaasha ayaa ka socda Caasimada iyo Gobolada dalka oo la rumeysanyahay inu ay u baxsadeen.

Qofkii helaa xogtood waxaa ka codsaneynaa inuu la wadaago barta Ciidanka Amaanka ee ugu dhow, lambarka gaaban ee 991 ama 0613222293 iyo baraha bulshada.

Howgalo lagu baadi goobayo ayaa socda waxaan rajeynaynaa in dhawaan gacanta lagu soo dhigo si, ay  cadaalada u maraan.

Mahadsanidiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here