Daacish oo weerartay saldhig Ciidanka Puntland leeyihiin

0
BOOSAASO [SMN] – Wararka Laga helayo gobolka Bari ayaa sheegaya in dagaalyahano ka tirsan kooxda Daacish ay weerar ku qaadeen saldhig ciidamada Puntland ay ku leeyihiin gobolka Bari.
Daacish ayaa u muuqanaysa mid dagaalkeeda u badashay weeraro gaadma ah kadib markii looga adkaaday dagaalka Tooska ah ee ay la galeen ciidamada Puntland.
Wararka ayaa sheegaya in Dagaalyahano ka tirsan kooxda Daacish, ay weerar xooggan ku qaadeen Ciidamadda Difaaca ee Puntland kuwaasoo ku sugnaa Buuraha Xabley ee Dhaban xoogle ee Gobalka Bari.
Iska hor imaadkan ayaa laysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan oo ay ku jiraan hubka madaafiicda, waxaana laga soo warinayaa halkaas xaalad cakiran in ay ka jirto
Saraakiil u hadashay Puntland aya asheegay in Ciidamadda Puntland, ay iska caabiyeen weerarka kediska ah ee Kooxda Daacish islamarkaana ay ka dileen Xubno kamid ah kooxda.
Waerarka madaxa banana ee la helayo ayaa sheegaya in labada dhinac ay soo gaareen khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Dagaalkan oo soo gaaray ilaa waabarigii saakay iyado labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kaladuwan.
Xaaladda ayaa haatan waxa ay tahay mid dagan iyadoo goobihii lagu dagaalamay ay gacanta ku hayaan Ciidamada Difaaca Puntland ee dagaalka kula jira kooxda Daacish.
Puntland ayaa u qalab qaadatay dagaalka Daacish iyaga oo ka saaray deegaano badan oo dhaca Buuraha Cali Miskaad.
Ciidamada Puntland ayaa la wareegay Fariisimooyin dhowr ah oo godod ay ka qoteen Dagaalyahanada iyo Horjoogayaasha Daacish oo ay gabaad ka dhigteen gododkaasi.
Madaxda Puntland ayaa shaaca ka qaaday in ay ka go”antahay in Daacish laga saaro guud ahaan deegaanada Puntland oo Sanada badan ay daganaayeen Buuraha Cali Miskaad oo ah buuro silsilado ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here