JOWHAR [SMN] – Ciidamada qalabka sida ee dowladda ayaa horumaro balaaran ka sameeyay howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolka Shabeellaha Dhexe oo dhawaan qeybo kamid ah ay soo galeen dagaalyahano ka tirsanaa Al-Shabaab.
Ciidamada ayaa howlgalo balaaran waxa ay ka sameeyeen deegaano dhowr ah oo hoostaga degmada Masaajid Cali Gaduud iyaga oo bur buriyay fariisimooyin Al-Shabaab ay kaga sugnaayeen goobihii la weeraray.
Hawlgaladaasi waxaa si gaar ah u fuliyay cutubyo katirsan ciidamada Booliska Soomaaliyeed kuwaasi oo ku baxay goobo la sheegay in ay isku aruursanayeen Al-Shabaab.
Meelaha Boolisku xaqiijiyay in ay la wareegeen waxaa kamid ah deegaan lagu magacaabo Al-furqaan, halkaasoo uu ka dhacay iska hor-imaad kooban kaasoo geystay khasaaro kala duwan.
Taliyaha ururka 3-aad ee guutada 1-aad ee daraawiishta Booliska Soomaaliyeed Cabdullahi Deel ayaa xaqiijiyay gacan ku haynta goobihii howlgalada ay ka sameeyeen maalintii shalay.



![Nabadoonka Beesha Aadan Warsame ee Xawaadle oo lagu doortay Muqdisho [Sawirro]](https://shabellemedia.com/wp-content/uploads/2026/07/yaab-150x150.png)
