Cabdiraxmaan Cabdullaahi Kaahiye oo waxbrashadiisa Qu’raanka illaa heer Jaamacad ku qaatay Magaalada Muqdisho, hankiisuna ahaa in cilmigiisa ugu adeego dalka, ayaa wuxuu shaah ku wareejiyaa xeebta Liido si uu u daboolo baahiyaha nolol maalmeedkiisa.
Kaahiye oo ku magac dheer “Liido Boy” ayaa innooga warramay waxa ku kalifay in uu shaax ku biiyo xeebta Liido, sooyaalkiisa waxbarasho iyo hankii uu la’ahaa.
Wuxuu sheegay in uu ka mid ahaa ardaydii wax ku soo bartay Jamaacad uu 2009-kii maamule ka ahaa Macalin Xasan Sheekh Maxamuud, oo hadda ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
“Haddii aan horay u ogaan lahaa in aan maalin uun ku wareegi doono waddooyinka Muqdisho anigoo iibinaya shaah, waqtigayga kuma lumin laheyn waxbarasho.”
Wuxuu tilmaamay in hooyadiisa ugu yeeri jirty Duuliye, maadaama ay aad u jecleyd in uu mar un noqdo nin duuliya diyaaradaha.
“ Hooyadey waa dhimatay, Allaha u naxariisto, bal ka waran haddii ay noolaan laheyd, ayna arki la heyd aniga oo wareejinaya shaax, sidee ayuu noqon la’haa qalbigeeda”, ayuu yiri Liido Boy.
Liido Boy ayaa intaas ku daray in taqasuskiiyo yahay IT, shaqana ka waayay xafiisyada Dowladda, isagoo xusay in xafiisyada dowladda laga qoro shaqsiyaad ku yimaada nin jecleysi halkii la qaadan la’haa dhallinyadda sidiisa oo kale ee dalka wax ku bartay.
“Anigu waxaan ka mid ahaa ardaydii uu waxbaray Madaxweyne Xasan Sheekh, laakiin wax faa’iido ah kama helin. Maanta waxaan shaah iibinayaa, waana sida keliya ee aan nolosha ku maareyn karo,” ayuu yiri, isagoo si murugo leh u hadlaya.
Halkan ka daawo wareysiga Cabdiraxmaan Liido Boy




