MUQDISHO (SMN) – Waxaa goordhow Teendhada Afiysooni ka bilaabatay hadal-jeedinta xubnaha musharixiinta ee u taagan xilka madaxweynaha dowladda federaalka ee 4 sano ee soo socota.
Maanta oo ah maalinta koowaad ayaa waxaa khudbadahooda jeedin doono illaa 20 musharax oo ka mid ah 39-ka musharrax ee isu diiwaangeliyey doorashada.
Sidoo kale waxaa aad loo adkeeyay amniga goobta ay hadal-jeedintu ka dhaceyso, taas oo amnigeeda ay sugayaan ciidamada nabad ilaalinta ee ATMIS iyo kuwa Booliska Soomaaliya.
Halkan hoose ka daawo:-