Daawo: Hooyo labadeedii ilmood ku gowracday magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dhacdo argagax leh oo xalay ka dhacday qaybo kami ah degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.

 

Dhacdada ayaa timid, kadib markii hooyo lagu magacaabo Shamso ay gowracday gabar iyo wiil oo ay dhashay, falkaas oo si gaar ah uga dhacay waaxda 3-aad ee degmadaasi.

Wararka ayaa qaar ayaa sheegaya in hooyada falkan gaysatay ay ka xanuunsan tahay dhimirka, ayada oo horay u gubtay labada canug ee ay xalay dishay.

Labada canug ayaa saaka la aasay, waxaana falkan naxtin ku reebay dadka deegaanka oo isugu soo baxay guriga ay mashaqadu ka dhacday.

Halkan hoose ka daawo warbixinta:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here