Daawo: Sarkaalkii lagu dilay degmada Boondheere oo lagu aasay Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Allaha u naxariistee waxaa maanta qabuuro ku yaalla magaalada Muqdisho lagu aasay sarkaalkii dhawaan lagu dilay degmada Boondheere ee gobolka Banaadir.

 

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Sayid-Cali Cabdu Cadde ayaa ku dhintay is rasaaseyn ka dhacday degmada Boondheere, wuxuuna kamid ahaa saraakiisha ciidamada Xoogga dalka ee lagu soo tababaray dalka Eritrea.

Dilka sarkaalkan ayaa waxaa ka dhashay xiisad xoogan, taas oo ugu dambeyn xal laga gaaray, sida uu shaaciyay Xildhibaan Cismaan Xaadoole oo ka tirsan Golaha Shacabka.

Xildhibaanka ayaa shaaca ka qaaday in Hay’adda NISA oo uu gacanteeda ku baxay sarkaalkaasi ay bixisay magtiisa, sidaasina lagu xaliyay kiiska.

“Sayid Cali si kam ah ayuu u dhintay, waxaana lagu heshiiyay in diyo la qaato” ayuu yiri Xildhibaan Cismaan Xaadoole.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here