Daawo: Taliska Booliska oo faah-faahin ka bixiyay xarigga jeneraal Sheegow

0

MUQDISHO (SMN) – Taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa faah-faahin ka bixiyay dagaalkii ka dhacay xaafadda Kaawo Godey ee degmada Dharkenley, kaas oo u dhexeeyay ciidamada ammaanka iyo kuwa kale oo uu watay sarkaal lagu magacaabo Jeneral Sheegow.

 

Afhayeenka Booliska, Sadiiq Aadan Cali (Doodishe) ayaa sheegay in dagaalka lagu soo qaaday ciidamada ammaanka oo xilligaas howlgal waday, wuxuuna tilmaamay in kadib ay sameeyeen iska caabin.

Doodishe ayaa xaqiijiyay in dagaalkan ay ku dhinteen ugu yaraan 3 askari oo labada dhinac ah, ayna ku dhaawacmeen 11 kaleĀ  ah ciidamada wada dagaalamay.

Sidoo kale wuxuu xaqiijiyay in gacanta lagu soo dhigay Jeneraal Sheegow oo uu tilmaamay in hadda uusan ka tirsaneyn dowladda, balse uu yahay Kabtan hore oo Xoogga dalka ah.

Afhayeenka ayaa sidoo kale eedeymo culus u jeediyay ninka lasoo qabtay, wuxuuna xusay inuu gabaad siin jiray burcadda, sidoo kalena lacagta madow laga soo helau gurigiisa.

“Sheegow wuxuu ahaa shaqsi horay looga ruqseeyay ciidanka, gurigiisana ay gabaad ka dhigan jireen cidkasta oo dhac geysata” ayuu yiri afhayeenka booliska Soomaaliyeed.

Halkan hoose ka daawo:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here