Dabeylo xoogan oo ku dhuftay magaallo xeebeedka Kismaayo

0

KISMAAYO (SMN) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in saacadihii dabeylo xoogan ay ku dhufteen qaybo ka mid ah magaaladaas oo xarun KMG u ah dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland.

Dabeylaha ayaa si gaar ah u saameeyey xaafadda Midnimo ee magaalada Kismaayo, halkaas oo ay daganaayeen qoysas kasoo laabtay xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya.

Maas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Kismaayo oo u gurmaday qoysaska ay saameeyeen dabeylahaasi ayaa sheegay inay burburiyeen illaa 60 guri, isla-markaana ay dadka deegaanka sameeyeen barakac xoogan.

Sidoo kale waxa ay ugu baaqeen hay’adaha samafalka iyo ganacsatada inay ka qayb qaataan gurmadka loo fidinayo dadkaasi.

Kismaayo ayaa ka mid ah magaalooyinka dhaca xeebta, waxaana inta badan ku dhufta dabelyo xoogan oo loo sababeeyo is-bedalka ku yimaada cimilada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here