Dad shacab ah oo miino ay kula qaraxday gobolka Shabeelaha Hoose

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in mooto ay la socdeen dad shacab ah ay miino kula qaraxday inta u dhexeysa deegaanka Lambar 60 iyo degmada Awdheegle ee gobolkaasi.

Saraakiil ka tirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Xoogga dalka ayaa shaaca ka qaaday inay u gurmadeen dadka rayidka ah ee ay miinada kula qaraxday gobolka Shabeelaha Hoose.

Ma shaacin saraakiishu inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay miinadaasi, balse waxa ay sheegeen inay howl-gallo kooban ka sameeyeen goobta qaraxu ka dhacay.

Shabeelaha Hoose ayaa ka mid ah goboladda ay ku xoogan tahay Xarakada Al-Shabaab, waxaana ka dhaca weeraro toos ah iyo qaraxyo geysta khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here