Sawirro: Dadkii ku dhaawacmay qaraxii Beledweyne oo la keenay Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Dowladda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ee SoDMA ayaa xalay magaalada Muqdisho keentay qaar kamid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee Sabtidii ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

 

Hay’adda ayaa laba diyaaradood oo gurmad ah u dirrtay Beledweyn, kuwaas oo soo qaaday dadka qaba dhaawacyada daran, si xaaladooda caafimaad loogu dabiibo Muqdisho.

Dhaawacyada laga soo dajiyay garoonka Aadan Cadde ayaa gaaraya illaa 16 qof, kuwaas oo isugu jiro carruur, haween iyo dad dhalinyaro ah.

Qaar kamid ah xildhibaanada Golaha Shacabka ee kasoo jeeda Hiiraan ayaa dhaawacyada ugu tegay garoonka, waxayna ka hadleen xaaladdooda  iyo sababta soo celcelisay weerarada lagu beegsanayo reer Beledweyne.

Weerarkan ayaa waxaa loo adeegsaday baabuur laga soo buuxiyay walxaha qarxa, kaas oo dhaliyay dhimashada illaa 15 qof iyo halka dhaawacana uu kor u dhaafayo labaatameeyo.

Sidoo kale waxa uu burbur xoogan soo gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay oo aheyd xarumo ganacsi iyo guryo ay daganaayeen dad shacab ah.

Beledweyne oo u xudun u ah kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa waxaa horay weeraro qaraxyo ah uga fulisay kooxda, waxayna magaaladan ay noqotay marka laga yimaado Muqdisho goobta ugu badan oo la kulanta weerarada qaraxyada ah ee Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here