Dagaal culus oo goordhow ka qarxay magaalada Baraawe

0

BARAAWE (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in goor dhow dagaal culus uu ka qarxay gudaha degmada Baraawe ee gobolkaasi.

Dagaalka ayaa wuxuu u dhexeeyaa ciidamada ammaanka ee Koonfur Galbeed iyo maleeshiyaad beeleed hubeysan oo ku sugan halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyaadka ay ka gadoodeen dhismaha golaha deegaanka ee loo sameynayo magaaladaasi.

Xaaladda ayaa weli aad u kacsan, waxaana xiray inta badan dhaq-dhaqaaqa ganacsiga iyo gaadiidka ee magaaladaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here