Baydhabo – Dagaal culus ayaa saakay ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta ke meel gaar ah u ah maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyadoo weli xaafado ka tirsan magaalada laga maqlayo dhawaqa hubka culus ee ay isku adeegsanayaan labada dhinac.
Wararka laga helayo Baydhabo ayaa sheegaya in isgaarsiinta magaalada ay hakad gashay, iyadoo xoguhu tilmaamayaan in qaar ka mid ah shacabka ay bilaabeen inay ka barakacaan xaafadaha ay dagaalladu ka socdaan. Waxaa sidoo kale soo baxaya warar sheegaya in waxyeello ay soo gaartay qaar ka mid ah dadka rayidka ah, halka madaafiic ay burburiyeen guryo ay leeyihiin dadka deegaanka.
Dhanka kale, Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa sheegay inay fashiliyeen weerar ay ku tilmaameen isku-day ay maleeshiyaad ka amar qaata maamulkii hore Koonfur Galbeed ku doonayeen inay kula wareegaan magaalada Baydhabo.
War-saxaafadeed kasoo baxay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa maleeshiyaadkii dagaalka soo qaaday loogu yeeray “Khawaarij”, iyadoo ciidamadu ay sheegeen inay weerarka ka gaareen jab xooggan oo ay ku dileen qaar ka mid ah dagaalyahannada, halka kuwo kalena ay dhaawaceen.
Taliska ayaa sidoo kale sheegay in maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday laga qabsaday goobo ay ku dagaallamayeen, hub iyo gaadiid. Si kastaba, wararka ka imanaya magaalada ayaa tilmaamaya in xaaladda amni ay weli kacsan tahay, iyadoo dhawaqa hubka culus laga maqlayo qeybo ka mid ah Baydhabo.
Dagaalkan ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka siyaasadeed iyo amni ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed, iyadoo Baydhabo ay noqotay xarunta ugu weyn ee xiisaddaasi ka taagan tahay.




