Dagaal khasaare geystay oo ka dhacay degmada Ceelwaaq

0

CEELWAAQ (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta iska hor imaad khasaare geystay uu ka dhacay Ceelwaaq.

Ilo deegaanka ah ayaa inoo sheegay in dagaalkaasi uu sababay muran ka dhashay kaarar raashin ah oo ay bixineysay hay’adda WFP, kadib markii ay isku qabteen ciidamo ka tirsan kuwa daraawiishta Jubbaland iyo ilaalada guddoomiye ku xigeenka amniga ee Ceelwaaq.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya inay is rasaaseynta labada dhinac ay ku dhinteen ugu yaraan illaa 2 qof, ayna ku dhaawacmeen saddex kale.

Dadka dhaawacmay ayaa waxaa sidoo kale lagu soo warramayaa inuu ku jiro guddoomiye ku xigeenka amniga degmada Ceelwaaq Shukri Tuure oo uu soo gaaray dhaawac daran.

Xaaladda ayaa weli ah mid aad u kacsan, mana jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka gobolka Gedo oo ku aadan dagaalkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here