Dagaal lagu dilay sarkaal sare oo ka dhacay gobolka Shabeelaha Hoose

0

MUQDISHO (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in saaka dagaal u dhexeeyay Ciidamada Boolis Milataaro iyo Al-Shabaab uu ka dhacay deegaanka Jilib Marka, kaas oo dhaliyay khasaare leh dhimasho iyo dhaawac.

 

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii xubnaha Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin ay ciidamada ku leeyihiin halkaaasi, waxaana kadib xigay dagaal foolka fool ah.

Inta uu socday dagaalka ayaa waxaa lagu soo wariyay in lagu dilay sarkaal lagu magacaabo Gaashaanle Liibaan Maxamed Cabdulle (Golcad) oo kamid ahaa saraakiisha Ciidamada Boolis Milataaro, kaas oo howlgal ka waday inta u dhexeysa Muqdisho iyo Marka.

WararKka qaar ayaa sheegaya in sarkaalkaas iyo askar kale oo la socotay ay ku dhinteen qarax miino, inta uu socday dagaalka oo ay iska caabiyeen ciidamada dowladda.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay labada dhinac oo ku aadan dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyay intaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here