Dagaal lagu dilay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo ka dhacay gobolka Hiiraan

0

Ciidanka xoogga Dalka Soomaliyeed, qeybta 27aad ayaa howlgal ay ka sameeyeen degaanka Ceel-bacad oo hoos tagta degmada Buulo-Burte waxa ay ku dileen 25 ka tirsanaa dagaalyahanada Al-Shabaab.

Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal, Odowaa Yuusuf Raage oo la hadlay warbaahinta ayaa sidoo kale sheegay in dagaalkaasi Al-Shabaab looga furtay hub fara badan iyo agab millateri.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in khasaaraha uu intaasi ka badan yahay balse uu socdo tirakoob iyo xog ururin, isla-markaana ay dib kasoo sheegi doonaan.

Maalmihii lasoo dhaafay ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa kordhiyey dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan deegaanada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here