Danjiraha Cusub ee Soomaaliya u Fadhiya Nigeria oo Waraaqaha Aqoonsiga Gudbiyay

0

Abuja, Nigeria — Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Nigeria, Mohamed Osman Mohamed, ayaa si rasmi ah waraaqaha aqoonsiga safiirnimo ugu gudbiyay Madaxweynaha Nigeria, Bola Ahmed Tinubu.

 

Munaasabadda lagu guddoomayay waraaqaha aqoonsiga ayaa ahayd mid rasmi ah, iyadoo Madaxweynaha Nigeria uu si diirran u soo dhoweeyay danjiraha cusub. Madaxweyne Tinubu ayaa muujiyay sida ay dowladdiisu uga go’an tahay xoojinta xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga istiraatiijiyadeed ee kala dhexeeya Soomaaliya.

Waxa uu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la horumariyo wada-shaqeynta dhinacyada muhiimka ah sida ganacsiga, amniga, horumarka waara, iyo is-dhaafsiga dhaqanka.

Dhinaciisa, Danjire Mohamed Osman Mohamed ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha soo dhoweynta diirran, isaga oo caddeeyay sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka labada dal iyo kobcinta iskaashi miro-dhal ah oo faa’iido u leh labada shacab.

Sidoo kale, Safaaradda Soomaaliya ee Nigeria ayaa mar kale adkaysay sida ay Dowladda Soomaaliya uga go’an tahay horumarinta xiriirrada caalamiga ah ee ku dhisan ixtiraam is-dhaafsi ah, iskaashi wax-ku-ool ah, iyo dan-wadaag.May be an image of one or more people and text that says "知"No photo description available.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here