Danjiraha Soomaaliya oo Madaxweynaha Burkina Faso Guddoonsiiyay Warqadaha Aqoonsiga Danjirenimo

0

Ouagadougou, Burkina Faso – Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Koonfurta Suudaan, ahna Danjiraha aan deggeneyn ee Soomaaliya u fadhiya Burkina Faso, Mudane Jaamac Xasan Khaliif, ayaa maanta si rasmi ah Warqadaha Aqoonsiga Danjirenimo ugu gudbiyay Madaxweynaha Burkina Faso, Captain Ibrahim Traoré.

 

Ka hor munaasabadda guddoonsiinta warqadaha aqoonsiga, Danjire Jaamac Xasan Khaliif ayaa nuqul ka mid ah waraaqaha aqoonsiga u gudbiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Burkina Faso, si waafaqsan habraacyada diblomaasiyadeed.

Kaddib guddoonsiinta warqadaha, Danjiraha ayaa kulan gaar ah la yeeshay Madaxweynaha Burkina Faso, isagoo gaarsiiyay salaan iyo farriin uu ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Burkina Faso, iyadoo la isla soo qaaday fursadaha lagu ballaarin karo wada-shaqeynta labada dal.

Madaxweynaha Burkina Faso, Captain Ibrahim Traoré, ayaa soo dhaweeyay magacaabista Danjiraha cusub, isagoo bogaadiyay dadaallada lagu xoojinayo xiriirka labada dal. May be an image of dais and text that says "FEDERATIC 73 ገ3ዞ"

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here