Dayniile oo xalay u gudubtay wareega labaad ee tartanka Shabelle

0

MUQDISHO (SMN) – Degmooyinka Dayniile iyo Kaaraan ayaa xalay ku baratamay Tartan Aqooneedka Shabakadda Warbaahinta Shabelle, kaas oo galay habeenkiisii 4-aad.

Dayniile oo guul gaartay ayaa heshay 12 dhibcood, halka Kaaraan ay keensatay 10 dhibcood, sida uu ku dhawaaqay guddiga tartanka.

Degmada Dayniile ayaa sidaas ugu gudubtay wareega labaad ee tartanka Shabelle, halka Kaaraan ay ka hartay guud ahaan tartanka.

Sidoo kale waxaa caawa tartan aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadaan ku ballasan degmooyinka Ufurow iyo Kismayo oo ka kala tirsan gobollada Baay iyo Jubbada Hoose.

Sanadkan tartan aqooneedka Shabelle waxaa taaba-gelinaya shirkadda isgaarsiinta Somtel oo abaal-marin guddoonsiin doonto degmooyinka gala kaalmaha 1-aad iyo 2-aad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here