Qarax Is-miidaamin ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho + khasaaraha

0

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay xero ciidamada lagu tababaro oo ku taalla Ex Warshaddii hore ee Nac-Naca ee degmada Wadajir ee gobolka Banaadir..

Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay afaafka hore ee xerada, xilli ay saf dheer ku jireen dhalinyaro loo qorayey ciidanimo, si loogu xereeyo xeradaasi oo loogu magac daray General Dhaga Badan.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu fuliyey ruux isku soo xiray walxaha qarxa, kaas oo dhex-galay safka dhalinyarada, isla-markaana isku qarxiyey.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxan uu ku dhinteen in ka badan 10 qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan.

Xaaladda goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa sidoo kale weli kacsan, mana jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here