Degmada Ufurow oo xalay guul weyn ka gaartay dhiggeeda Xamarweyne

0

MUQDISHO (SMN) – Tartan Aqooneedka Shabakadda Warbaahinta Shabelle waxaa xalay ku baratamay degmooyinka Ufurow iyo Xamarweyne oo ka kala tirsan gobollada Banaadir iyo Baay.

Ufurow oo guul gaartay ayaa heshay 10 dhibcood, halka Xamarweyne ay keensatay 6 dhibcood, sida uu ku dhawaaqay guddiga tartanka.

Degmada Ufurow ayaa sidaas ugu gudubtay wareega saddexaad ee tartanka Shabelle, halka kulan kale ay ciyaari doonto degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir.

Sidoo kale waxaa caawa tartan aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadaan ku ballasan degmooyinka Dharkenley iyo Waabari ee gobolka Banaadir.

Sanadkan tartan aqooneedka Shabelle waxaa taaba-gelinaya shirkadda isgaarsiinta Somtel oo abaal-marin guddoonsiin doonto degmooyinka gala kaalmaha 1-aad iyo 2-aad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here