Degmada Waabari oo xalay u gudubtay wareega labaad ee tartanka Shabelle

0

MUQDISHO (SMN) -Tartan Aqooneedka Shabakadda Warbaahinta Shabelle waxaa xalay ku baratamay degmooyinka kala ah Waabari iyo Cabdicasiis oo ka wada tirsan gobolka Banaadir.

Waabari oo guul gaartay ayaa heshay 14 dhibcood, halka Cabdicasiis oo laga badiyey ay keensatay 10 dhibcood, sida uu ku dhawaaqay guddiga tartanka.

Degmada Waabari ayaa sidaas ugu gudubtay wareega labaad ee tartanka Shabelle, halka degmada Cabdicasiis ay ka hartay guud ahaan tartanka.

Sidoo kale waxaa caawa tartan aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadaan ku ballasan degmooyinka Shangaani iyo Wadajir ee gobolka Banaadir.

Sanadkan tartan aqooneedka Shabelle waxaa taaba-gelinaya shirkadda isgaarsiinta Somtel oo abaal-marin guddoonsiin doonto degmooyinka gala kaalmaha 1-aad iyo 2-aad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here