Degmada Wadajir oo u gudubtay wareega saddexaad ee tartanka Shabelle

0

MUQDISHO (SMN) – Degmooyinka Wadajir iyo Balcad oo ka kala tirsan gobollada Banaadir iyo Shabeelaha Dhexe ayaa xalay ku baratamay tartan aqooneedka faca weyn ee Shabelle.

Wadajir oo guul gaartay ayaa heshay 12 dhibcood, halka degmada Balcad ay la timid 8 dhibcood, sida uu ku dhawaaqay guddiga tartanka.

Degmada Wadajir ayaa sidaas ugu gudubtay wareega saddexaad ee tartanka Shabelle, halka kulan kale uu u haray degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe

Sidoo kale waxaa caawa tartan aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadaan ku ballasan deegaanka Bargaan ee gobolka Galgaduud iyo degmada Tiyiglow ee gobolka Bakool.

Sanadkan tartan aqooneedka Shabelle waxaa taaba-gelinaya shirkadda isgaarsiinta Somtel oo abaal-marin guddoonsiin doonto degmooyinka gala kaalmaha 1-aad iyo 2-aad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here