DF oo ka jawaabtay baaqyadii ugu dambeeyey ee caalamka

0

Dowladda Federalka Soomaaliya waxa ay soo dhoweynaysaa soo jeedinta ku saabsan Ergey gaar ah oo ka socda Midowga Afrika, kaas oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo dhowaan ka codsaday Guddoomiyaha Midowga Afrika, Madaxweynaha Congo Félix Tshisekedi si arrimaha Afrika ay uga wada shaqeeyaan Afrikaanku

Dowladda Federaalka Soomaaliya Waxa ah dareen iyo suaal ka muujinaysaa hadalkii Golaha Nabadda iyo Ammaanka Afrika (PSC) ku cambaareeyey go’aankii Golaha Baarlamaanka Soomaaliyeed ee 12kii April ee ku saabsanaa in dalku aado doorasho qof iyo cod ah iyo metelaad shacab oo dhammaystiran. Ma jiro urur caalami ah, ama urur goboleed oo sharciyan cambaarayn kara go’aan Baarlamaan dal madaxbanaan. Arrintaas waxan u sheegaynaa in aanay ahay sharci. DFS ma soo dhoweynayso hadalkaas.

Dowladda Federalka Soomaaliya waxay u aragtaa mid aan sax ahayn qoraalkii Golaha ee loogu soo jeedinayey Ciidamada nabad ilaalinta AMISOM in ay la socdaan dhaqdhaqaaqa ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya waxa ay u aragtaa mid niyad jebinaya Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed. Sidoo kale dowladdu waxa ay u aragtaa qodobkaasi in uu yahay mid sharci darro ah. Sababta oo ah wuxu si cad uga hor imanayaa Maandhaytka ama waajibaadka shaqo ee AMISOM oo ku cad qaraarka Golaha Ammaanka ee tirsigiisu yahay 2568 ee soo baxay 12kii March 2021. Waxa kale oo uu ka hor imanayaa Qorshaha Soomaaliya ee Masuuliyad kala wareegidda Ciidamada AMISOM (The Somali Transition Plan) (STP) oo soo baxay Febraayo 2021. Sidoo kale waxa ay gef ku tahay sharafta, qabka iyo haybadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed, sidoo kalena wuxu taageero iyo hiil u noqonayaa, culayskana ka qaadi karaa ururada argagixisada ah ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed habeen iyo maalin dagaalka kula jiraan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay aad uga xun tahay, walaac xooggana ka qabtaa waddamada Kenya iyo Jabuuti oo olole xooggan u galay sidii Goluhu u soo saari lahaa go’aammo liddi ku ah Baarlamaanka iyo Xukuumadda JFS.

Waxaanuna is cad u sheegaynaa Soomaaliya in aanay kalsooni ku qabi doonin shir lagaga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo ay guddoominayaan ama ka talinayaan waddamada aanaan heshiiska ahayn, taas oo uu noo ogolaanayo qodobka 11aad ee a Protocal ka Golaha Nabadda iyo Ammaanka oo si cad u sheegaya in meel looga soo wada jeesto, go’aanna laga qaato wixii waxyeelaya madaxbanaanida dal Afrikan ah.

Ugu dambayn waxan waddamada Afrika ugu baaqaynaa in ay ka wada shaqeeyaan nabadda, ammaanka iyo iskaashiga qaaraddooda, mushkiladohoodana ku xaliyaan xeerarkooda iyo axdiyada u degsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here