Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa xalay kulan la yeeshay madaxdii guddiyada Doorashooyinka heer federaal iyo heer dawlad goboleed iyo Guddiga Khilaafaadka.
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka ayaa uga mahadceliyay dedaalkii dheeraa ee ay muujiyeen muddadii 6-da bilood ahayd ee ay shaqaynayeen, taas oo ka dhigan in la kala diray xubnaha guddiyadaasi.
Arrintan ayaa kusoo aadeyso, xilli dhowaan Golaha Shacabka uu muddo kordhin labo sano ah u sameeyey hay’adaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.



