Lafta Gareen oo guddoomiyey shirka golaha amniga K/Galbeed

0

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa shir gudoomiyey shirka golaha amniga dowlad goboleedka Koonfur Galbeed oo todobaadkan ay ka qeybgaleen taliyaha qeybta sedaxaad ciidanka Amisom sarakiil ka socday dowlada Ingiriiska iyo qeybaha kala duwan sarakiisha laamaha amniga Koonfur Galbeed.

Shirka oo ahaa mid saacado qaatay ayaa inta uu socday waxaa looga hadlay xaaladaha amaan ee deegaanada Koonfur Galbeed iyo sidii loo bilaabi lahaa howlgalo ka dhan ah Al-Shabaab.

Qaar kamid ah saraakiisha laamaha amniga ayaa sidoo kale laga dhagaystay warbixin ku saabsan amniga iyo howlgalada ay fuliyaan ciidanka waxaana ay sheegeen in ciidanka ay sii laba jibaareen howlgalkooda inta lagu gudajiro bisha barakaysan ee Ramadaan.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed  Laftagareen ayaa u mahadceliyey sarakiisha laamaha amniga waxaana uu  tilmaamay sida ay shacabka iyo dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ay ugu kalsoon yihiin kartida iyo awoodda geesiyeyaasha Soomaaliyeed ee qeybaha kala duwan ciidanka.

       Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here