DF Somalia oo loo jeediyay dalab la xiriira Abwaanada ku biiraya kooxda Al-Shabaab

0

MUQDISHO (SMN) – Aqoonyahan Mahad Wehliye Raan oo ka faalooda arrimaha amniga ee dalka ayaa ka hadlay arrimaha ku saabsan Abwaanada kasoo jeeda Somaliland ee ku biiraya Al-Shabaab, kuwaas oo aad u kordhay muddooyinkii lasoo dhaafay.

 

Wehliye ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay inay qaado tallaabo ay uga hortegeyso xubnaha aadaya Al-Shabaab oo uu tilmaamay inay halis ku yihiin amniga dalka, ayna la socoto buugaagta lagu soo bandhigo Muqdisho iyo dhaq dhaqaaqa Abwaanada ka imaanaya Somaliland.

Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in Abwaanada ku biiraya Al-Shabaab aysan wax badan kusoo kordhin karin dagaalka kooxda, balse ay u adeegsan karaam dhanka gobaabada, sida uu hadalka u dhigay.

Dhowr jeer ayay hor ayay dhacday in Abwaano kasoo jeeda gobolada waqooyi ama Somaliland ay u goosteen Al-Shabaab, waxaana kamid ah Abwaan Maxamuud Jeesto, Abawaan Nageeye Khaliif iyo rag kale oo ay kamid yihiin Sheekh Aadan Sunne, Cabbdiwaaxid Cali Gamaadiid, waxayna dhamaan kasoo jeedaan gobollada waqooyi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here