DF oo loogu baaqay inay dhaqangeliso go’aanka ay kasoo saartay 1XBET

0

MUQDISHO (SMN) – Nuur Sheekh Cismaan Cabdullaahi oo ah falanqeeye ku xeeldheer arrimaha sharciga ayaa soo dhaweeyay tallaabada ay dowladda Soomaaliya ku xirtay aaladda khamaarka ee 1XBET.

Aqoonyahankan ayaa sheegay inay mudan tahay in la boggaadiyo go’aanka ay dowladda ku xirtay aaladdaasi, oo uu tilmaamay inay dhibaato ku ahayd dadkeena iyo guud ahaan dhaqaalaha dalka.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in dowladda looga baahan yahay inay ka hortegto wax kasta oo ka hor imaanayo Shareecada Islaamka.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo shalay guddiga qaran ee ka hortagga lacag dhaqidda iyo la dagaallanka maalgelinta Argagixisada uu soo saaray go’aano ka kooban afar qodob oo ka dhan ah adeegga 1XBET.

Guddiga ayaa go’aamiyay in la mamnuuco guud ahaan khamaarkan oo ay tilmaameen inuu yahay adeeg ka soo horjeeda Diinta Islaamka iyo Shuruucda Dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here