DF oo markii ugu horreysay tababar ciidan u dirtay gabdho Soomaaliyeed + Sawirro

0

Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar), ayaa Garoonka diyaarahada ee Aadan Cadde ku sagootiyey 49-gabhdood oo ka tirsan ciidanka Booliska gaarka ah ee Haramacad oo tababar loogu qaaday dalka Turkiga.

Taliyaha Booliska ayaa sheegay inay soo qaadanayaan tababar heerkiisu sareeyo, taas oo kamid ah dadaalka lagu xoojinayo dhismaha iyo tayeynta ciidamada Booliska Soomaaliya.

“Waxaan galabta Garoonka Aadan Cadde ku sagootinay 49-gabdhood oo ka tirsan Ciidanka Booliiska Gaarka ah ee Haramcad oo u dhoofay dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga, si ay u soo qaataan tababar heerkiisu sarreeyo, iyagoo ku biiraya dedaallada loogu jiro dhismaha iyo tayaynta ciidanka Booliska Soomaaliyeed.”  Ayuu yiri Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar),

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here