DF oo uga mahadcelisay Romania qaabilidda Muwaadiniinta Soomaaliyeed

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa wadahadal khadka teleefoonka ahla yeeshay Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda ee Romania, Mudane Cornel Feruţă.

”Waxa aan wadahadal wanaagsan la yeeshay Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Romania Mudane Cornel Feruţă oo igu wargeliyay in Romania ay qaabishay 40 muwaadin oo Soomaali ah oo ka yimid dhanka Ukraine, waxaana loo oggolaaday inay joogaan Romania” ayuu yiri wasiir Cabdisaciid

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya ayaa uga mahadceliyey y Romania qaabilidda Muwaadiniinta Soomaaliyeed.

“Waxa aan uga mahadceliyay Mudane Cornel Feruţă iyo dowladdiisa tallaabooyinka mahdinta leh iyo taageerada. Waxa aan ku heshiinnay inaan xoojinno xiriirkeena taariikhiga ah ee muddada dheer jiray iyo sii ambaqaadidda iskaashiga ku qotama howlaha dano wadaagga” ayuu sii raaciyey.

Soomaali u badan arday ayuu saameeyey dagaalka xoogan ee ka socda Ukraine, kadib markii ay duulaan culus ku qaadeen ciidamada Ruushka oo gudaha u galay waddankaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here