DF Soomaaliya oo sheegtay in lacag ay leedahay lagu dhisay dekedda Garacad

0

MUQDISHO (SMN) – Xafiiska Hantidhowraha guud ee Qaranka ayaa maanta soo saaray warbixin ku saabsan u hoggaansanaanta sharciga, taas oo quseysa hay’adaha gacanta ku haya hantida dowladdu leedahay ama kuwa bixiya adeegyada caamka ah.

 

Hanti dhowraha guud ee Qaranka Avv; Axmed Ciise Guutaale oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in xafiiskiisu uu diiwaan gelinayo dhammaan heshiisyada ay  hay’adaha dowladdu darafka ka yihiin, wuxuuna xusay in ciddii ka hor timaadda ay jebisay sharciga maaraynta miisaaniyadda iyo kan Hanti dhowraka guud.

Avv; Guutaale ayaa sheegay hay’adaha aan dowliga ahayn ee fuliya mashaariicda horumarineed iyo mid bini’aaddan-nimo ee laga maal geliya lacagta dowladda  ayna ku jirto tan deeq bixiyayaasha lagula xisaabtamayo sarkaalka idman ee hay’addaas.

Hanti dhowraha guud ayaa sheegay in heshiisyada deeqaha hay’adaha, kuwa  dowladda , dowlad goboleedyada iyo kuwa ganacsigaba laga diiwaan geliyo xafiiska Hanti dhowrka guud ee Qaranka iyo laamahiisa maamul goboleedyada.

Avv; Axmed Ciise Guutaale ayaa sheegay in dhulal iyo dhismayaal gaaraya 436 xarumood oo ay leeyihiin 15 hay’ado dowladeed ah ay ku maqan yihiin gacanta shirkado, ganacsato, ururro iyo shaqsiyaad gaar ah.

Hanti dhowraha guud ee Qaranka ayaa faray hay’adaha dowladda oo gaaraya 69, kuwaas oo ku jira qoondada miisaaniyadda dowladda ee uu ansixiyay BF in ay u hoggaansamaan sharciga, si looga baaqsado halis ku timaadda daqliga dowladda.

Dhanka kale, Guutaale ayaa shaaca ka qaaday in dekedda Garacad lagu dhisay lacag ay leedahay dowladda federaalka, isaga oo sheegay in Puntland ay iibisay laba xero oo ay ciidamada Xoogga dalka ku lahaayeen gobolka Mudug, kadibna lagu daray dekeddaasi.

Lacagta laga bixiyay xeryahaas ayuu ku sheegay inay gaareyso illaa 20 milyan, isla-markaana ay qayb ka aheyd masharuucii lagu dhisay dekeddaas.

Puntland ayaa horay u sheegtay in dekadda Garacad lagu dhisay isku tashi dadweyne, waxaana si wadajir ah u daah-furay madaxweyne Xasan Sheekh iyo Saciid Deni.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here