DF Soomaaliya oo bandow ku soo rogtay magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Afhayeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed, Cabdifitaax Aadan Xasan oo goordhow la hadlay Wariyeyaasha ayaa sheegay in bandow lagu soo rogay Muqdisho, sababo la xiriira doorashada.

Afhayeenka ayaa tilmaamay in bandowga uu bilaaban doono 9:00 fiidnimo ee caawa, isla-markaana uu ku ekaan doono, illaa subaxa hore ee Isniinta.

Taliska Booliska ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay u hoggaansamaan amarka soo baxay, isla-markaana ay goor hore soo adeegtaan.

“Shacabka ha adeegtaan xili hore magaalada Mudisho waa bandow lga bilaabo caawa Sadex Saac ilaa Lixda Ama Labo iyo Tobanka Subaxnimo ee isniinta” ayuu yiri C/Fitaax.

Doorashada guuud ee xilka madaxweynaha oo loo geli doono tartan adag ayaa dhaceyso beri oo Axad ah, kuna  15-ka bishan May ee 2022-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here