DF Soomaaliya oo ceyrisay ku xigeenkii ergeyga Midowga Afrika

0

MUQDISHO (SMN) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dalka ka ceyrisay ku xigeenka eregyga gaarka ah ee Ururka Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Simon Mulongo, iyadoo lagu eedeeyey inuu ku lug yeeshay dhaq-dhaqaaqyo aan waafaqsaneyn waajibaadka ciidamada AMISOM ee ka howl-gala gudaha dalka.

Simon Mulongo ayaa loo qabtay inuu dalka uga baxo muddo 7 cisho ah, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in go’aankan ay dowladdu ku wargelisay Ururka Midowga Afrika oo ay xubin ka tahay Soomaaliya.

“Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay bogaadin usoo jeedineysaa Guddiga Midowga Afrika, waxaana sharaf u ah inay la socodsiiyaan Guddiga, in shaqsiga hoos ku qoran laga dhigay ‘persona non grata’, waxaana lagu amray inuu uga baxo Soomaaliya muddo 7 cisho gudahood ah.” ayaa lagu yiri qoraalka.

Halkan hoose ka aqriso:- 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here