DF Soomaaliya oo ciidamo Boolis ah geysay suuqa weyn ee Bakaaraha

0

MUQDISHO (SMN) –Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta ciidamo dheeraad ah geysay gudaha suuqa Bakaraaha ee magaalada Muqdisho, kadib markii maalmihii lasoo dhaafay qaybo ka mid ah suuqa loo xiray lacag ay ganacsatada dhul dhigtay kooxda Daacish.

Ciidamada la geeyey suuqa ayaa loogu tala-galay inay sugaan amniga suuqa oo maalmihii lasoo dhaafay ay ka taagneyd cabasho xoogan oo kasoo yeereysay ganacsatada.

Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliya, Cabdifitaax Aadan Xasan oo wariyeyaasha kula hadlay Bakaaraha ayaa sheegay in aan la aqbali karin amar aan aheyn kan dowladda uu ka shaqeeyo suuqa, sidaas daraadeedna ay ka hortegayaan kooxaha dhibaatada wada.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed ee deggan Muqdisho inay si dhow ula shaqeeyaan saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here