DF Soomaaliya oo gargaar kala wareegtay Boqortooyada Sacuudiga + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Raโ€™iisal wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa daah-furay munaasabad Dowladda Soomaaliya loogu wareejinayay ku dhowaad 3-kun tan oo raashiin kala duwan ah, taas oo ay bixineyso Dowladda Sacuudiga.

Munaasibadda waxaa goobjoog ahaa Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye, Masโ€™uuliyiin ka socday guddiga abaaraha iyo xubno ka tirsan Qaramada Midoobay.

Mashruucan oo ay ka faaโ€™ideysanayaan dhawaad 300,000 oo qof oo ah dadka ay abaarahu saameeyeen, ayaa waxaa ka mahadceliyay Raโ€™iisal wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, wuxuuna ku bogaadiyay dowladda Sacuudiga kaalmada balaaran ee la garab tahay Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here