DF Soomaaliya oo gargaar kala wareegtay Boqortooyada Sacuudiga + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa daah-furay munaasabad Dowladda Soomaaliya loogu wareejinayay ku dhowaad 3-kun tan oo raashiin kala duwan ah, taas oo ay bixineyso Dowladda Sacuudiga.

Munaasibadda waxaa goobjoog ahaa Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye, Mas’uuliyiin ka socday guddiga abaaraha iyo xubno ka tirsan Qaramada Midoobay.

Mashruucan oo ay ka faa’ideysanayaan dhawaad 300,000 oo qof oo ah dadka ay abaarahu saameeyeen, ayaa waxaa ka mahadceliyay Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, wuxuuna ku bogaadiyay dowladda Sacuudiga kaalmada balaaran ee la garab tahay Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here