DF Soomaaliya oo ka hadashay dhaq-dhaqaaqyo ay xadka ka wado Kenya

0

CEELWAAQ (SMN) – Mid kamid ah saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya oo ku sugan degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa ka hadlay dhaq-dhaqaaqyo ay haatan Kenya ka billowday xadka Soomaaliya, halkaas oo ay soo dhoobtay ciidamo dheeraad ah.

 

Sarkaalkan oo lagu magacaabo, Maxamed Isxaaq Xuseen oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa ayaa sheegay inay ka war hayaan ciidankaasi oo uu tilmaamay inay kasoo tallaabeen xadka Beled-xaawo iyo Mandheera oo ka kala tirsan gobollada Gedo iyo Waqooyi Bari.

Maxamed ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in ay ka shiri doonaan arrintaan, isla-markaana ay ogaan doonaan ujeedka ciidankaas, isaga oo carabka ku dhuftay inay soo dhoweynayaan haddii ay qayb ka noqonaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

DF Soomaaliya ayaa haatan wada guluf culus, waxayna horay dagaalkan uga talagalisay dalalka dariska oo ay ka codsatay inay ka qayb-qaataan howlgalka ka dhanka ah Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here