DF Soomaaliya oo ku dhawaaqday in ay dib u soo celisay xiriirkii Kenya

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in dib u celisay xiriirkii diblomaasiyadeed ee dowladda Kenya.

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaala oo goordhaw la hadlay Warbaahinta ayaa u akhriyay war-murtiyeedka ka soo baxay dowladda Soomaaliya.

Hadaba halkan ka akhriso War-murtiyeedka

War-murtiyeedka wadajirka ah ee dib-u-soo-celinta xiriirka diblomaasiyadeed ee soomaaliya iyo Kenya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay iyadoo la ilaalinayo danaha deris wanaaga, ku dhawaaqaysaa in ay dib u soo celisay xiriirkii diblomaasiyadeed ee ay la lahayd Jamhuuriyadda Kenya.

Dowladda Jamhuuriyadda Kenya waxay soo dhawaynaysaa tallaabadan lagu ilaalinayo danaha daris-wanaagga labada dal.

Labada dowladood waxay ku heshiiyeen in la ilaaliyo xiriirka saaxiibtinnimo ee labada dal iyadoo lagu saleynayo mabaadi’da is-ixtiraamka ee madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed, faragelin la’aanta arrimaha gudaha ee labada dhinac, sinnaanta, wax wada qabsiga iyo nabad ku wada noolaanshaha.

Madaxweynayaasha labada dal waxay Amiirka Dowladda Qatar uga abaal hayaan, ugana mahadcelinayaan dadaalkii uu ka geystay arrintan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here